QM iyo DF SOMALIA oo ku heshiiyey in Yemen..

Yemen (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa hishiis dib loogu soo celinayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen oo hadda ay ka taagan yihiin qalalaaso siyaaseed, la gashay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.

Arinta hishiiska ayaa ka dambeysay kadib kulan ay wada yeesheen Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Hishiiskaasi ayaanan la sheegin waqtiga rasmiga ee dadkaasi Soomaalida laga soo celinayo dalka Yemen, laakiin hishiiskaasi uu yahay mid jiro oo lasoo celinayo dadka Soomaaliyeed.

Dr Cabdisalaan Hadliye, wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadkaasi ay yihiin dad Soomaaliyeed oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wuxuu sheegay in wax saameyn aysan ku yeelan doonin Soomaalida dalkaasi hishiiskii ay ugu biireen kooxda ka dhanka Xuutiyiinta dalka Yemen.

Wasiir Hadliye ayaa ugu dambeyn ka hadlay fariintii dhawaan ay u direen dowlada Sweden kadib markii wasiirka arimaha dibada ay wax ka sheegtay diinta Islaamka, sida uu sheegay wasiirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com