Wixii ay qaxdaba, Soomaaliya oo loo soo qaxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Muwaadiniin Yemeni oo kasoo cararay dalka Yemen oo dhibaatooyin ay ka taagan yihiin ayaa soo gaaray deegaano ka tirsan maamulka Somaliland iyo dalka Jabuuti.

Ku dhawaad 30 ruux oo kasoo cararay dalka Yemen lana socday dooni kasoo dhaqaaqday dalka Yemen ayaa soo gaaray magaalada Ber bera ee maamulka Somaliland.

Hayada xuquuqda aadaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in dad Yemen kasoo cararay ay soo gaareen deegaamada maamulka Somaliland kuwaasi oo magan galyo doon ah.

Dowlada Jabuuti ayaa dhankeeda xaqiijisay in dad kasoo cararay dalkaasi Yemen kuwaasi oo lagu dhaweeyay dalka Jabuuti maadaama ay magan galyo doonayaan.

Wasiir u hadlay dowlada Jabuuti ayaa sheegay in dowladooda ay diyaar u tahay soo dhaweynta dadka kasoo cararaya dalka Yemen oo dhibaatooyin ay ka taagan yihiin.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dhankooda sheegay iney u diyar garoobeen soo dhaweynta dadka ka imaanaya dalka Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com