XOG: IRAN oo Xarumo mad-habta shiicada lagu barto ka furtay magaalada Muqdisho & qorshe..

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan mudo socday ayaa lagu ogaaday in doowlada Iiraan ay magaalada Muqdisho ka furtay dhowr xaruumo oo lagu faafiyo Mad-habka Shiicada.

Xaruumahaan ayaa isugu jira Masaajidyo iyo Maraakis, waxaana maalin walba imaada dhalinyaro iyo Haween, kuwaasoo si tartiib tartiib ah loogu baro Mad-habka Shiicada.

Xaruunta ugu weyn waa Masaajid ku yaal wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan meel u dhow isgoyska Sayidka.

Masjidkaan ayaa waxaa dhisay doowlada Iiraan, waana xaruunta ugu weyn ee la doonaya in Soomaaliya looga faafiyo Mmad-habka Shiicada.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo digniin kasoo saaray arrintan waxa ay sheegeen in ay jiraan Xarumo ay ku lee yihiin Soomaaliya Shiicadda.

Afhayeenka Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo lahadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in Magaaladda Muqdisho ay ka Furantahay Xarun ama Markas shiica liina baahan yahay in la bur buriyo.

Afyaheenka ayaa waxa uu sheegay in ay jirto dadaalo lagu doonayo in soomaaliya lagu Beero madhabta shiicada ee ay hogaamiso dowladda Iraan.

Waxa uu sheegay Sheekh Nuur Baruud in maalmahaanba si hooso culimaa’udiin loogu qaadayay dalka iiraan si loo baro madhabta Shiicadda ee ay hogaamiso dowladda Iraan.

shiico

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com