Somalia oo si dadban u marti galineysa ISIS iyo Shiicada Yemen & tiradii ugu horeysay oo timid

Muqdisho (Caasimada Online) – Kontomeeyo qoys u dhashay dalka Yemen kana soo barakacay dagaalada ka socda dalkaasi ayaa seddexdii maalin ee la soo dhaafay kusoo qulqulaaya dalka Somalia kuwaasi oo tiradoodii ugu horeysay iminka deegaan ku noqday Magaalada Hargeysa.

Qoysaskani ayaa la soo warinayaa inay isugu jiraan Suniyiin, Shiico, waxa ayna tani albaabada u fureysaa wadadii ay Daacish u soo mari lahey soo galida dalka Somalia.

QM ayaa sheegtay in tirada ugu horeysay Qaxooyigaani u dhashay Yemen ay soo gaaren Magaalada Hargeysa, waxa ayna sheegtay in dalka Somalia ay uga soo dugaashadeen duqeymaha ka soconaya dalkaasi.

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in qoysaskaasi ay kasoo qaxeen Magaalada Tacis ee Koofurta Yemen kana soo dageen dekedda Berbera ee Somaliland.

Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhinaca kale Qaramada Midoobay kala hadashay sidii Soomaalida Yemen looga samata bixin lahaa colaada Yemen oo loo geyn lahaa meelo kale sida Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia, Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in UNHCR ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta qaxootiga Soomaalida ee Yemen ku sugan haddii mushkilad la soo kulanto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa ay ka qeybqaadaaneyso ayna taageersan tahay dagaalka lagu qaaday Xuutiyiinta Yemen.

Dhanka kale, Dadku waxa ay walaac adag ka muujinayaa in qoysaskaani ka soo jeeda dalka Yemen ee kusoo qaxay dalka Somalia ay horseed u noqdaan in si sahlan ay Daacish kusoo gasho dalka Somalia iyadoo maqaarsaar ka dhiganeysa Qaxootiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com