DF oo war kasoo saartay Imtixaanaadka xalay lasoo dhigay baraha bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markale ka hadashay imtixaanaad lasoo dhigay baraha Bulshada, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin imtixaanaadka maanta ay galayaan ardayda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaacisay inaysan gabi ahaanba jirin imtixaanaadkaasi lasoo dhigay baraha Bulshada, islamarkaana ay yihiin kuwo la doonayo in lagu jahwareeriyo ardayda Soomaaliyeed.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxman Maxamuud (Jaabir), ayaa shaaciyay in waxba uusan ka jirin maadooyinka baraha Bulshada lagu faafiyay, kuwaasi oo lagu sheegay in laga helay magaalada Gaalkacyo.

Wasaaradda Waxbarashada ayuu sheegay in diyaar garow badan ay ka gashay markale inuu fashil ku yimaado imtixaanka sanadkaan ay qaadayaan, kaasi oo horey u fashilmay islamarkaana dib loogu celiyay inka badan 30 Kun oo arday.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxman Maxamuud (Jaabir)  ayaa digniin u jeediyay dad uu sheegay inay marin habaabinayaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta galaya imtixaanka dowliga.

11-kii Bishaan ayaa Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa ka bilaawday Imtixaanka Dowladda, hayeeshee markii dambe Baraha Bulshada lagu arkay maadooyin ka mid ah Imtixaanka taas oo keentay in Wasaaradda Baabi’iso, isla markaana maanta markale la galayo.

In ka badan 30,000 oo Arday ayaa la filaya inay Maanta u fadhiistaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare,iyada oo Muqdisho iyo Gobolada dalka siweyn looga diyaar garoobay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com