DF oo war ka soo saartay sare u kaca shidaalka – Muxuuse qorshaheeda yahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee wasaarada Batroolka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo u waramay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay sare u kaca ku yimid shidaalka, kaas oo haatan lagu kala iibsanayo qiimihii ugu sarreeyey.

Carabey ayaa shaaca ka qaaday in shidaalka lagu iibiyo Soomaaliya uu la mid yahay kan caalamka, isla-markaana uu isbedel ku yimid qiimihii lagu iibin jiray oo sare u sii kacay.

Sababta keentay sare u kaca ku yimid shidaalka wuxuu ku sheegay qiimaha Dollarka ee kacay iyo dalalka laga keeno oo uu aad qaali uga noqday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shidaalka haatan laga isticmaalo gudaha dalka ay maamulaan rag ganacsato ah, balse xilligii hore ay maamuli jirtay dowladdii dhexe, lagana maamuli jiray xarunta Wakaaladda Batroolka, taas oo uu tilmaamay in ay sii qeybin jirtay.

Agaasimaha wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay haatan wasaaraddu qorsheyneyso in golaha wasiirada Soomaaliya ay horgeyso xeerka maamulka ganacsiga Batroolka dalka, si ay uga doodaan, kadibna ay u sii meel mariyaan.

Ugu dambeyn wuxuu agaasimuhu sheegay inay sameeyeen xeerka nidaamka shidaalka lagu isticmaalo, sida shatiga shirkadaha ka ganacsanaya, hubinta shidaalka noocyadiisa kala duwan, isla markaana xeerkaas dhammaan ay gaarsiiyeen ganacsatada shidaalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo gaadiidleyda Soomaaliyeed ay haatan si aad ah uga cabanayaan qiima kororka ku yimid shidaalka oo saameyn ku yeeshay shaqooyinkooda.