Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda degmada Baraawe?

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay deggan tahay xaaladda magaallo xeebeedka Baraawe oo caasimad u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in saaka lagu guuleystay kala qaadida labadii dhinac ee shalay ku dagaalamay halkaasi, xaaladduna ay haatan tahay mid xasilan.

Waxgarad iyo mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku baxay xiisaddaas ayaa ku guuleystay in ciidamada iyo maleeshiyaadka dagaalamay ay kala qaadaan, iyaga oo ka dajiyey dabaqyo ku yaalla magaalada oo ay dhufeyso uga jireen dhinacyada diriray.

Sidoo kale waxaa weli socda wada-hadallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Baraawe oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyo guud ee magaaladaaso.

Caasimada Online waxay u kuur gashay waxa la isku hayo iyo sababta keentay dagaalka, waxayna ogaatay in khilaafkaan gaaray gacan ka hadalka uu salka ku hayo awood qeybsiga dhismaha golaha deegaanka oo haatan la doonayo in loo dhiso magaalada Baraawe.

Madaxweynaha Koonfur albeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la sheegay inuu diidan yahay in beesha Hawiye ay xubno ku yeelato golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe, isagoo taas ka duulaya ayuu maalmo ka hor ciidamo si gaar ah uga amar qaata ka soo daabulay Baydhaba, waxuuna ka dejiyey Baraawe, kuwaas oo shalay dagaal ku galay magaalada.

Si kastaba, waxaa maalmihii lasoo dhaafay isa soo tareysay cabashada waxgaradka beelaha Hawiye ee wax ka dega magaalada Baraawe, kuwaas oo sheegay Madaxweyne Lafta Gareen uu si cad ugu sheegay in golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe aysan hal xubin ku yeelan doonin beesha Hawiye, waxayna shaaciyeen in taas aysan aqabali doonin.