Xog: Muxuu salka ku hayaa dagaalka Baraawe, muxuuse yahay qorshaha Laftagareen?

Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka taagan khilaaf salka ku haya awood qeybsiga maamulka magaalada, waxaana shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamo militeri ah iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo ciidan gaar ah oo dhawaan uu Baraawe geeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Caasimada Online waxay u kuur gashay waxa la isku hayo iyo sababta keentay dagaalka, waxayna ogaatay in khilaafkaan gaaray gacan ka hadalka uu salka ku hayo awood qeybsiga golaha deegaanka oo haatan la doonayo in Baraawe loo dhiso.

Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu diidan yahay in beesha Hawiye ay xubno ku yeelato golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe, isagoo taas ka duulaya ayuu maalmo ka hor ciidamo si gaar ah uga amar qaata ka soo daabulay Baydhaba, waxuuna ka dejiyey Baraawe, kuwaas oo shalay dagaal ku galay magaalada.

Mid ka mid ah waxgaradka beelaha Hawiye ee degan magaalada Baraawe ayaa la hadlay Caasimada Online, waxaana weydiinay sababta ka dambeysa gacan ka hadalka ka dhashay dhismaha golaha deegaanka, waxuuna aad u eedeeyey madaxweynaha K/Galbeed, isagoo sheegay in beesha Hawiye uu duudsiinayo xaqa ay ku leedahay maamulka uu hoggaamiyo ee KGS.

“Dagaalka  Baraawe waxa uu salka ku hayaa dulmi uu Cabdicasiis Laftagareen ku hayo beelaha Hawiye oo bulshada Baraawe ku nool ka ah 90%, horay Laftagareen waxuu Hawiye ugu diiday saamigii Madaxweyne ku xigeenka oo ay beeshu ku heshay awood qeybsiga iyo deganaashaha gobollada Bay, Bakool iyo Sh/Hoose, waxaan nahay qabaa’ilka ugu canshuur bixinta badan Koonfur Galbeed, waxay socotaba, waxay soo gaartay in maanta golihii deegaanka ee la yiri Baraawe haloo sameeyo uu Cabdicasiis Laftagareen Hawiye u diido,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool degmada Baraawe.

Dadka deegaanka oo siyaabo kala duwan aan ula xariirnay waxay noo xaqiijiyeen inay jiraan ciidamo gaaraya 100 askari oo maalmo ka hor laga dejiyey Baraawe, kuwaas oo la sheegay inay sugi doonaan ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada golaha deegaanka.

Ciidamadaas oo sida naloo sheegay toos u hoos taga madaxtooyada Koonfur Galbeed waxay maalmo ka hor is-rasaaseeyeen maleeshiyaad dadka deegaanka ah oo gacan ka helaya ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya oo fariisimo ku leh degmada Baraawe.

Dadka nala hadlay waxay noo xaqiijiyeen in is-rasaaseyntaas uu ku dhintay hal qof oo dadka deegaanka ah, kaas oo ka soo jeeda beesha Hawiye ee ka cabaneysa awood qeybsiga laga hor istaagay ee golaha deegaanka.

Nabadoonka ku sugan Baraawe ee la hadlay Caasimada Online oo faahfaahiyey sababta ka dambeysay dagaalkii ka dhacay gudaha degmada ayaa yiri, “Markii ciidamada Laftagareen ay naga dileen qof ka mid ahaa dadka deegaanka ayuu Madaxweynuhu soo diray ergo, si looga xaaltamo dhibkii dhacay, balse gogoshii aan ka sugeynay waxay u bedeleen weerar ay nagu soo qaadeen ciidamadii uu magaalada keenay Laftagareen, waan iska dhicinay, waxaana halkaas ku dhintay 3 ka mid ah askartii uu Baydhaba ka keensaday Laftaagreen.”

Ugu dambeyntii qofkaan noo waramay oo magaciisa aan u qarinay sababo ammaan, islamarkaana ka mid ah waxgaradka magaalada Baraawe ayaa sheegay in dagaalkaas kadib, ay hadda inta badan magaalada gacanta ku hayaan ciidanka is uruursaday ee ka soo jeeda beelaha Hawiye ee dega Baraawe.

Sidoo kale waxuu sheegay in ciidamadii uu Laftagareen magaalada keenay ee dagaalka la galay dadka deegaanka, gaar ahaa qabaa’ilka Hawiyaha ay ku carareen xerada ciidamada AMISOM oo magan geliyo ay u raadsadeen, sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isisoo tareysay cabashada waxgaradka beelaha Hawiye ee wax ka dega magaalo xeebeedka Baraawe, kuwaas oo sheegay Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu si cad ugu sheegay in golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe aysan hal xubin ku yeelan doonin beesha Hawiye, waxayna wacad ku mareen in taas aysan aqabali doonin.

Baraawe oo la qorsheynayey in loo dhiso gole deegaan oo soo doorta maamulka magaaladaas, ayaa haatan marti gelineysa dagaallo u abaabulay qaab qabiil, sidoo kale waxaa la qorsheynayey in Baraawe ay ka bilaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee ka imaanaya, sida ay horay u sheegeen R/Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Laftagareen oo booqasho ku tegay.