Askar ka tirsanaa ciidanka Kenya oo qarax lagu laayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii la soo dhaafay ciidan ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka dhaca xeebta ee Lamu, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen deegaan ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in miinada haleeshay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamada Kenya, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 10 askari, sida ay hadalka u dhigay.

Qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay inay gubeen mid ka mid ah gawaarida dagaalka ee ay wateen ciidamada qaraxa lala eegtay ee dowladda Kenya.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi ee ay guulaha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Inta badan waxaa deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya weeraro khasaare geysta ka fuliya xoogaga Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada gudaha Soomaaliya.