Xuseen Carab Ciise oo xog cusub ka bixiyey sida Mahdi Guuleed ‘u xaday’ kursigiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Carab Xiise ayaa ka hadlay dacwada uu ka gudbiyey kursiga HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Muqdisho uu ku guuleystay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, islamarkaana la hakiyey.

Xildhibaan Xuseen Carab oo isagu baarlamaankan waqtigiisa dhamaadey ku fadhiyey kursigaas ayaa sheegay in doorashada Mahdi meel looga dhacay qaranimada Soomaaliyeed.

“Qof adeegsanayay guddi xafiis iyo awood xukuumadeeda oo sheeganaya waxaan ahay maamulka doorashada Somaliland oo haddana musharax ah, kursina dhacayey ku asteystan reer kale, koodana lambar kale leeyahay,” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab.

“Qof aan la garaneyn inta uu meesha soo fariisto oo musharax xildhibaan baan ahay sheegto ihaano ayey ku aheyd Soomaaliya iyo doorashooyinka, iyo weliba Kalsoonidii la siin lahaa doorashooyinka.”

Sidoo kale waxa uu arrin la yaab leh ku tilmaamay in aan la garaneyn shaqsiyada musharaxa ee la tartamay Mahdi Guuleed, oo warbaahinta kasoo muuqatay ayada oo xijaaban.

“Maanta guddiga haddii la weydiiyo gabadha keena ma garanayaan, ma keeni karaan, maba diiwaan gashana shaqsiyadeeda,” ayuu yiri Xildhibaan Carab oo si adag uga horyimid musharax la tartamayey Mahdi Guuleed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin in shaqsi raba in uu isku noqdo garsoorkii iyo tartamihii, taasi oo uu ku tilmaamay arrin fool xun oo lagula kacay qaranimada.

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa maanta bilaabay baaris la xiriirta dacwadda loo soo gudbiyey oo ka timid xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horay ugu fadhiyey kursigaasi.

Guddiga ayaaa shalay soo saaray qoraal xasaasi ah oo lagu hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga loo doortay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu socodsiiyey guddiga doorashooyinka waxaana looga dalbaday in aysan shaacin natiijada kursigaas oo tirsigiisu yahay Hop 239, illaa inta ay kasoo dhammaaneyso dacwadda.

Mahdi ayaa waxaa lagu eedeeyey in kursigaan uu ka dhacayo beel aan aheyn tan uu ka dhashay, isla-markaana uu doonayo inuu isaga ku fariisto afarta sano ee soo socota.

Si kastaba, Mahdi Guuleed ayaa kusoo baxay 97-cod, waxaana seegtay afar cod oo mid halaabay, sida uu shaaciyey guddiga maamullada doorashada kuraasta gobolada waqooyi.