Xagee ayey marayaan wada-hadalada lagula jiro Ahlu Suna?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Deegaanada Galmudug waxaa weli ka socda dadaallo nabadeed oo lagu doonaayo in lagu soo afjaro xiisadda u dhexeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna oo dhalisay inay labada dhinac ku dagaallamaan gudaha magaalada Guriceel.

Wararka ayaa sheegaya in maanta wafdi uu horkacayo General Aadan Abshir Nuure oo ah taliyaha ururka 6-aad ee guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ay gaareen deegaanka Bohol oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiiyiinta iyo xoogaga Ahlu Sunna.

General  Aadan Abshir ayaa maalmihii u dambeeyey Dhuusamarabeen kulamo gaar gaar ah kula qaadanayey waxgaradka, siyaasiyiinta iyo madaxda Galmudug, si xal buuxa loo gaaro

Ujeedka wafdigan oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaan Cali Dhoof oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Ganacsade Xaashi Carabey ayaa ah sidii loo dhammeyn lahaa tabashada Ahlu Sunna iyo ka gudbida waxyaabihii dhaliyey dagaalladoo ka dhacau degmada Guriceel.

Xildhibaan Cali Dhoof iyo Ganacsade Xaashi Carabey waxa labaduna ka mid yihiin raggii ku guuleuystay inay Ahlu Sunna wada-hadal uga saaraan Guriceel, taas oo soo afjartay dagaalladii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay magaaladaas oo ka tirsan Galgaduud.

Arrimahan waxa ay kusoo aadayaan, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay Ahlu Sunna ciidamadeeda ay isku ruruursaneyeen deegaanka Bohol oo dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb, halka ciidamada Galmudug ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Guriceel.

Si kastaba, xaaladda ayaa ah mid deggan, markii loo eego dagaalladii ka dhacay Guriceel, waxayna dadka Galmudug ay rajo ka muujinayaan inay guuleystaan wada-hadallada socda.