Muddada ay mucaaradka Ethiopia ku qabsan karaan Addis-Ababa oo la shaaciyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan karaa “bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oromada ee xulafada la sameystay kooxda Tigrayga.

Kooxda Tigrayga ee TPLF iyo kooxda Oromada ee OLA ayaa sheegtay in maalmihii tegay qabsadeen dhul badan, kadaal dagaal xooggan oo ay la galeen ciidamada dowladda Abiy Ahmed. 

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheegay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo dowladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray “dhammaad aan laga baaqsan karin.”

“Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri. 

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa isna sheegay in kooxdiisa ay kala shaqeyneyso kooxda OLA inay qabsadaan magaalada Kemissie ee gobolka Amxaarada oo 325 km u jirta magaalada Addis Ababa. 

“Howlgalka wada-jirka ah wuu sii socon doonaa maalmaha iyo toddobaadyada soo aadan,” ayuu Getachew ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Ethiopia ayaa Talaadadii dalka gelisay xaalad deg deg, waxayna ku amartay dadka degan Addis Ababa inay isku diyaariyaan inay xaafadahooda difaacdaan.

Abiy ayaa sidoo kale Arbacadii ugu baaqay shacabka inay taageeraan dagaalka ka dhanka ah mucaaradka oo uu ku eedeeyey inay Ethiopia ka dhigayaan sida Libya iyo Syria oo kale.

“Waa cadowga Ethiopia, waxaana loo baahan yahay in la baabi’iyo, si sidaas loo sameeyana waa inana dhammanateen taageernaa xaaladda deg degga ah,” waxaa sidas yiri Azmeraw Berhan, oo ka mid ah dadka degan caasimadda. 

Getachew ayaa xaaladdda deg degga ah ku macneeyey tallaabo “lagu doonayo in sidii la rabo loogu xabiso ama loogu dilo” dadka Tigray-ga.