Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan wadahadal daah-furan la bilaabi doonto Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Mudane Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in wadahadaladii la filayey inay dhowaan dhex-maraan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland uu dib-u-dhac ku yimi sababo farsamo awgeed.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaka ee Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo arrinta wadahadalada Puntland ka hadlayey waxa uu yiri:
“Waxaan dadka Puntland iyo xukuumadoodaba u xaqiijinayaa in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada shaqeeyaan Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland si loo soo celiyo kalsoonidii iyo midnimadii qaran”.
Maamulka Puntland ayaa horey dowladda federaalka Soomaaliya ugu qabtay muddo 30 cisho ah in wada-hadal lagu furay, haddii aysanna dhicinna ay Puntland aayaheeda ka tashan doonto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]