DF oo JAWAAB ka bixisay dadkii lagu laayey HIIRAAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerar xoogan oo ay saaka aroor hore kooxda Al-Shabaab ka geysatay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga xun tahay weerarkaasi oo lagu laayey ku dhowaad 20 qof, ayadoo sidoo kale la gubay 7 gaari oo ay saarnaayeen dadkaas.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xuntahay weerarka wuxuushnimada ah ee kooxaha Argagixisada ah ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa waxaa sidoo kale sheegay in dhacdadan ay muujineyso in Al-Shabaab ay tabar dhigtay, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda gobolka Hiiraan oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda.

“Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka,” ayaa lagu yiri

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dhaq-dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan, si looga hortego weerarada xoogan ee ay inta badan kooxda ka fuliso gudaha waddanka Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an in kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab in waddanka laga ciribtiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka marqaati kacayaan fikirka iyo hadafka kooxdaan, waxa ayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladooda oo u taagan in maleeshiyadaan dalka laga xoreeyo,” ayaa lagu soo gabagabeeyey.

Weerarka Al-Shabaab ay maanta ka geysatay Hiiraan ayaa saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, waxaana go’an isgaarsiinta, ayada oona xaaladdu ay aad u cakiran tahay.