DF oo weerar ku qaaday xafiiska UNSOM, dalbatayna in isbeddel lagu sameeyo

New York (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM Abuukar Daahir Cusmaan “Abuukar Baalle” ayaa eedeyn culus u jeediyey islamarkaana ashtako ka muujiyey xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM iyo sida uu dalka uga howlgallo.

Abuukar Baalle, oo khudbad ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka QM ee sharciyadda ka howl-galka Soomaaliya loogu kordhiyey UNSOM, ayaa ku eedeeyey xafiiska QM inuu noqday mid ka falceliya oo kaliya xaaladdii markaas un taagan, oo aan lahayn awood uu taageero siyaasadeed iyo mid farsamo ku siiyo ajendooyinka muhiimka u ah dib u dhiska Soomaaliya.

“Inkasta oo ay jiraan dhammaan horumarada ay sameysay dowladda federaalka sanadihii dhowaa, xafiiska UNSOM wuxuu u muuqdaa inuu isu beddelayo hab aan la jaanqaadi karin dadaallada iyo guulaha muuqda ee dowladda federaalka Soomaaliya ay sameyneyso. Tani waxay horseeday in waxqabadka howlgalka [UNSOM] uu noqdo mid ka falceliya kaliya dhacdooyinka, oo awood aad u yar u leh inuu taageero siyaasadeed iyo mid farsamo siiyo dadaallada aas-aasiga u ah ajandooyinka dhismaha dowladeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Abuukar Baalle.

“Dadaallada dib u dhiska ee aan ka wadno Soomaaliya, waa inay noqdaan kuwa ay Soomaaliya hoggaamiso, oo loo arkaa kuwa ay Soomaaliya hoggaamiso, sidaas darteed, waxaan ku baaqeynaa in la dhowro madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ka digeyntaa faro-gelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka.”

Abuukar Baalle ayaa sidoo kale sheegay in la gaaray waqtigii dib u eegis lagu sameyn lahaa sharciyadda xafiiska UNSOM uu kaga howlgalo Soomaaliya, ayada oo ujeedku yahay in laga dhigo howlgal ka jawaabi kari isbedellada deg degga ah ee ka dhacaya dalka, islamarkaana la jaanqaadi kara ahmiyadaha Soomaaliya, xilligan muhiimka ah.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in warbixinada xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya ee mar lasoo saaro rubac sanadeed kasta ay noqdaan kuwa ay ku jiraan warbixino kooban oo aan lagu faah-faahin dhacdooyin gaara ah, balse ay noqdaan kuwa diiradda saara, oo taxliiliya arrimaha waa weyn, soona jeediya talooyin iyo go’aano.