Marwan Hamadeh oo meel uga dhacay SOOMAALIYA

Beirut (Caasimadda Online) – Mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan dalka Lubnaan ayaa hadal meel ka dhac ku ah Soomaaliya ka sheegay taleefishin Turkish ah, xilli uu ka hadlayey xaaladda liidata ee dalkiisa uu ku sugan yahay.

Marwan Hamadeh, oo dhawr wasaaradood kasoo noqday wasiir, sidoo kalana noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee is-casilay kadib qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Beirut ayaa sheegay in Lubnaan ay noqon doonto Soomaaliya cusub.

Isaga oo wareysi siinayey talafashinka TRT, ayaa Marwan Hamadeh wuxuu sheegay in haddii aan hay’addaha garsoorka la siin fursad ay ku ciribtiraan musuqmaasuqa ay Lubnaan la heer noqon doonto Soomaaliya.

Dhawaan Midowga Yurub ayaa hindisay qorshe ay ku faragalinayaan jahawareerka siyaasadeed ee ka jira Lubnaan, waana qorshe uu taageeray Marwan Hamadeh oo 80-jir ah.

Marwan wali kuma qanacsana taageerada Midowga Yurub, wuxuuna dareemayaa in la maxkamadeeyo qof walba oo ku eedeysan dhibaatadii dhacday oo ay ku jiraan wasiiro iyo garsooreyaal maxkamadeed.

Hay’adda Transparency waxey sanadkii 2019 sheegtay in Soomaaliya ay kaalinta koowaad kaga jirto wadamada ugu musuq-maasuqa badan dunida, inkasta oo su’aalo ay ka taagan yihiin habka loo sameeyo qiimeyntaas.

Hogaamiyeyaasha dalal badan oo Carab ah ayaa mar kasta oo ay ka hadlayaan ama ka digayaan in dalkoodu ku dhaco xaalad halis ah waxay tusaale usoo qaataan Soomaaliya.