Madaxweyne Siciid Deni oo ciidamo badan isaga soo hormariyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho ayaa iskaaga soo hormariyey ciidamo sugayo amnigiisa inta uu joogo gudaha caasimada.

Warbaahinta Puntland ayaa goor sii horreysay baahisay sawirrada askar ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo aad ugu qalabeysan hubka fudud kuna sii jeeda Muqdisho.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo dhankiisa ku soo jeeda Muqdisho ayaa wada-hadallo la leh madaxda dowladda Soomaaliya, iyaga oo ka wada-arrinsanaya xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socda ee dhacaya dhammaadka 2020/ illaa 2021-ka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasii ku daraya in wufuud ka kala socota labada dhinac oo hordhac u ah labada Madaxweyne ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

Shirka wada-tashiga ee u dhexeeyo dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland ayaa ka dhacaya xarunta Xalane oo ah meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Dhinaca kale xog aan helnay ayaa sheegeysa in labada madaxweyne ay degi doonaan madaxtooyada iyo agagaarkeeda, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dego madaxtooyada, halka Deni uu degi doono guri gaar ah oo u dhow madaxtooyada.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiisada u dhexeysa dhinacyadan ay ka dartay, kadib shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqnaayeen maamullada Jubbaland & Puntland.