DF oo xoog ku qaadatay meydadka ciidamadii lagu laayay guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur

Muqdisho (Caasimadda Online ): Dowladda Somalia ayaa ceeb iyo fadeexad dhexda uga jirta markii siyaasi ka aragti duwan ay gurigiisa ku weerareen Xalay, 6 ka mid ah ilaaladda siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa lagu toogtay goobta.

Meydka ragga la laayay ayaa saakay la geeyay xarunta CID si lioogu wareejiyo eheladooda laakiin waxaa si kadis ah goobta u yimid 10 gaari oo gaashaman oo ay lee yihiin ciidanka Dowladda kuwaas oo meydadkii la wareegay.

Muran xoogan ayaa dhex maray eheladda meydadka iyo ciidamadda abaabulen ee Dowladda ,laakiin askartii hogaamineysay ayaa ku dooday in ay iyagu aasi doonaan.

“La yaab ayey nagu aheyd in naloo diiday meydkii wiilasheena oo si arxan daro oo bila sabab ah loo laayay xalay ayuu sheegay mid ka mid ah eheladda dadkii la laayay.

Lama garanaayo ilaa hadda halka ay meydadka u qaateen ,tiiyoo ay jirto in C/raxmaan Cabdishakuur isagoo dhaawac ah lagu hayo guriga Habar Khadiijo oo fariisin u ah ciidamada NISA.