Akhriso beelaha ay kasoo kala jeedaan Ciidamadii Ilaalada u ahaa CC Shakuur ee la dilay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Nabadsugida Qaranka ayaa xalay gacanta ku dhigay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaddib markii ay weerareen Guri uu ka degenaa magaalada Muqdisho oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida oo watay gaadiidka dagaalka ay xalay saqdii dhexe weerareen gurigiisa, iyadoo la maqlayay rasaas culus oo ay is weydaarsadeen Ilaaladiisa iyo Ciidamadii Nabadsugida.

Is rasaaseynta kaddib Ciidamada NISA ayaa u suuragashay inay la wareegaan gurigiisa, kaddibna ay ka soo kaxeeyaan, wararka ayaa sheegaya in la xiray C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in is rasaaseynta lagu dilay afar ka mid ah Ilaalada C/raxmaan C/shakuur.

Ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur laga dilay ayaa la xaqiijiyey inay yihiin ilaa 6 Askari kuwaas oo saakay meydkooda la geeyey CID-da.

Caasimdda Online ayaa heshay Beelaha ay kasoo kala jeedaan lixdaas Askari oo kala ah sida hoos kaaga muuqato:

4 Ceyr ah

1 Saleebaan

iyo 1 Raxanweyne ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com