DF oo war cad ka soo saartay xariggii C/raxmaan C/shakuur iyo maxkamad oo…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow war ka soo saartay xariggii iyo howl galkii xalay lagu qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaasoo Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay ugu dhaceen gurigiisa, kuna soo xireen.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Dahir ayaa lagu sheegay in hey’adaha amniga iyo xeer ilaalinta ay maalmahan wadeen baaris dambiyo lagu tuhunsan yahay muwaadiniin, kaasoo ku aadan falal dambiyeed qiyaano qaran, khal khal gelin iyo bur burin.

Wasaaradda Amniga Somaaliya ayaa ka hadashay howlgal Ciidamad Dowladda ay ka sameeyeen Guriga uu Magaalada Muqdisho ka degganyahay C/Raxmaan C/Shakuur Warsame,kaas oo laftiisa ay xireen Ciidamada Dowladda.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, ayaa sheegay in Guriga C/Raxmaan iyo Ragga kale ee Gurigaas ku jiray ay ahaayeen dambiilayaal qaranka dambi ka galay islamarkaana C.Raxmaan C/Shakuur laftiisa uu diiday in baaritaan lagu sameeyo.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Ciidanka Ilaalada C/Raxmaan C/Shakuur ay Rasaasta billaabeen sidaasna ku biloowday isku dhicii xalay.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga oo isna ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in C/Raxmaan iyo Ragga la midka ah ay jebiyeen amarkii Wasaaradda ay soo saartay ee ahaa in Guri ama Hotel aan lagu qaban karin shir aanay wasaaraddu ka warqabin.

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo isna ka hadlay goobta ayaa isna sheegay in Madax kale ay ku xigi doonaan howlgalkan xalay dhacay,waxaana uu sheegay in dambiilayaasha lala xisaabtamayo.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay dowladda

Sidaad la socotiinba hay’adaha Amniga iyo Xeer Illaalinta waxey maalmahan wadeen baaris danbiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu tuhunsanyahay fal dambiyeedyo Qiyaano Qaran, khal-khal gelin iyo burburin nidaamka dowladnimada. Waxaa reeban in muwaadin uu u adeego dano shisheeye oo ka soo horjeeda jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.

Hay’adaha amniga iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah iyo awaamir ka soo baxday hay’adaha sharciga ah, ayaa xalay abaarihii 11.30 habeenimo ayey guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo fal dambiyeedyada kor ku xusan ayaa markii hay’adaha amniga tageen gurigaas muwaadiniintii guriga joogtay u hoggaansami waayeen awaamiirtii aheyd in la baaro iyadoo la waday warqadii ruqsada baarista iyo horgeynta sharciga.

Guriga ayaa waxaa ku sugnaa Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo ahaa shaqsigii ruqsada loo soo qaatay uuna si cad uga horyimid awaamiirtii hay’adaha amniga, ka dibna ay ciidankii illaalada u ahaa ay rasaas ku bilaabeen ciidanka amniga. Bacdamaa uu muwaadinkan diiday inuu u hoggaansamo awaamiirta hay’adaha sharciga kalana horyimid dagaal hubeysan ayey ciidamadu ku guuleysteen isagoo bad qaba ay gacanta ku soo dhigeen. Sidoo kale waxay hay’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aaminsanyahay inay qeyb weyn ka qaadan doonto baarista iyadoo sharciga waafaqsan.

Tallaabadaas oo hay’adaha amniga u mareen si waafaqsan shuruucda dalka iyadoo la fulinayey awaamiirtii hay’adaha sharciga. Muwaadin walba waxaa waajib ku ah inuu u hoggaansamo sharciga, mana jiro cid ka sareysa sharciga, kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xad-gudub qaanuuneed iyo inuu ka dhasho fal danbiyeed.

Sidaas daraadeed, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo sharci-fulinta, iyadoo Dowladda Federaalka ay dammaanad qaadeyso xaquuqda muwaadin kasta uu siiyey dastuurka iyo shuruucda dalka. Muwaadinkan waxuu helayaa baaris hufan waxaana la horgeynayaa maxkamada awooda u leh oo uu ka heli doono caddaalad.

Ugu danbeyntii, shacabka Soomaaliyeed, waxaa loogu baaqayaa inay kaalin ka qaataan amniga iyo nabadeynta kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni. Muwaadin kasta waxaa waajib ka saaran yahay inuu danta guud ee dalka uu ka horumariyo danihiisa gaar-gaarka