Wararkii ugu dambeeyay xaalada Muqdisho iyo kulamo siyaasadeed oo socda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacado kaddib markii Ciidamada NISA ay xalay weerareen Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kadibna ay xireen, iyadoo intii howlgalkaas socday uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac waxaa Magaalada Muqdisho maanta ka jiro Xaalado.

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeedo Beesha Habargidir ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo kala duwan oo looga hadlayo arrintaan, waxaana kulamo ka kala socdaan Hotelo ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Hotel Saxafi ayaa sheegaya in xilligan uu kulan u socdo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ku abtirsada Beesha Hawiye, waxaana gogoshan la sheegay inay dhigeen Xildhibaanada Beesha H/gidir oo ka carooday falkii xariga ahaa ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, waxaana Xildhibaanadaas hoggaanka u hayo Axmed Macalin Fiqi.

Sida aan xogta ku heleyno kulankaan ayaa ah mid albaabada u xiran yihiin, waxaana looga arrinsanayaa xarigga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana laga yaabaa in laga soo saaro war murtiyeed looga soo horjeedo xarigaas ay ku tilmaameen inuu yahay mid sharci darro ah.

Dhanka kale kulan kale oo ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee Beesha H/gidir ayaa ka socda Hotelka Diblomatic, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay kulamada siyaasadeed ee ka dhashay dhacdadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa xiray inta badan Magaalada Muqdisho, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in jidadka loo xiray madaxweyne Farmaajo oo Gaashaandhigga kula hadlayo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Dadka reer Muqdisho ayaa waxaa u taagan dhegaha, iyadoo xaalad walba isha lagu haayo, waxaana baraha bulshada hareeyay qoraalo lid isku ah oo looga hadlayo dhacdadii xalay lagu xiray siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Howlgalkii Xalay lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay in lagu dilay 6 kamid ah ilaaladiisa oo isugu jiray Habargidir iyo Raxanweyne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ku xiran Habar Khadiijo, waxaana laga yaabaa in lagu soo oogo dambiyo, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu xarigiisa amray Xeer Ilaaliyaha Qaranka kaasoo amray in si deg deg ah loo soo xiro.

Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa laga dhigay waraaq lagu amrayey inusuan dalka ka bixi karin maadaama la doonayo in baaritaan lagu sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com