DF Somalia oo dalab culus soo saartay, kadib weerarkii Al-Shabaab ee Ceel Baraf

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab waabarigii hore ee Taladaada ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas oo ku billowday qaraxyo uu ahaa mid ‘fool xun’ iyadoo sidoo kale tacsi uga dirtay shacabka iyo dowladda Burundi waxyeellada kasoo gaartay ciidankooda.

Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale beesha caalamka looga inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika  ee wada howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya faah-faahin dheeraad ah kama bixin khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo ay guullo ka sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Waaberigii hore ee Talaadadii shalay ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah.

Intii la dilay maahane askartii kale ku sugneed xerada ayaa u baxsatay dhulka howdka ah, waxayna Al-Shabaab dadka deegaanka ku amreen inay daba galaan ciidanka firxaday oo qoryaha ka soo furtaan, iyagoo u sheegay in qof kasta qorigii uu soo furto uu isagu leeyahay.

Warbaahinta kooxda ayaa baahisay sawirro badan oo laga qaaday meydadka ciidankii ATMIS ee la laayey oo daadsan xerada, gaadiid, rasaas iyo dhamaan sahaydii ciidanka ee xeradaas taallay ayaa gacanta u gashay kooxda Al-Shabaab.