DF Somalia oo ‘ka hortegtay’ hub culus oo lasoo gelin rabay gudaha dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in hay’adaha ammaanka ay ka hortageen hub sharci darro ah iyo rasaas la doonayey in si sharci darro ah loo soo geliyo dalka, kadib xogo ay heleen laamaha amnigu.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in arrintaasi ay ku lug lahaayeen hay’ado ajnabi ah, dalal shisheeye iyo dad Soomaali ah, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay inay is-baheysteen, islamarkaana ay doonayeen inay hubkaas iyo rasaastaba ay soo galiyaan gudaha dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajnabi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedkan ayaa lagu shaaciyey in qorshahan ay dowladdu u argato duulaan cad oo lagu soo qaaday madax banaanida dalka.

“Wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka waxa ay u aragtaa duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida Dalka. Mowqif adagna way iska taagaysaa,” ayaa la sii raaciyey qoraalka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo, sidaas daraadeedna laga hortegay in hubkaasi la soo geliyo gudaha dalka.

Ugu dambeyn waxay dowladdu sheegtay inay haatan wado baaritaano dheeraad ah oo ku aadan hubkaasi, gaar ahaan ujeedka laga lahaa.

“Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxay baaritaan ku haysaa hubkaas culus iyo rasaastaas sharci darrada ah ee Dalka la soo gelin rabay, meesha loo waday, meesha laga soo dhiibay iyo ujeedka laga lahaa,” ayaa gabagabadii lagu yiri warsaxaafadeedka.

Si kastaba arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada haatan lagu jiro marxalad kala guur ah, dalkana uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka 2021-ka.