Ciidamada JANAN oo soo galay Beledxaawo, dagaal culus oo dhacay iyo DF oo soo saartay qoraal culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay soo weerareen islamarkaana soo galeen ciidamada wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan.

Wararka aan ka heleyno Beledxaawo ayaa sheegaya in Ciidamada Cabdirashiid Janan ay xalay qabsadeen xaafado ka mid ah Beledxaawo, balse ma cadda haddii ay saaka ka baxeen iyo in kale.

Saraakiil ka tirsan Jubaland ayaa xalay sheegay in gebi ahaanba ay la wareegeen Beled Xaawo, haatan uu dagaalka ka socdo dhanka wadada aada Doolow, inkasta oo aan sheegashadooda la xaqiijin karin.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya weerarka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheeegay in “jabhad ay soo hubeysay” Kenya ay soo weerartay ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Beledxaawo, kuwaas oo weerarka iska caabiyey, sida qoraalka lagu sheegay.

“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay cadaynaysaa in Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh ugu jilib dhigay duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Eedeynta culus ee caawa ka timid dowladda federaalka iyo weerarka Cabdirashiid Janan ayaa kasii dari doona xiisadda ka dhex-oogan labada dal, xilli ay toddobaadyadii dhowaa jireen wa-xoogaa isu soo dhowaasho ah.

Hoos ka aqriso qoraalka Soomaaliya