Shabakado ka shaqaynayey socdaalka sharci darrada ah oo lagu qabtay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay iney qabteen kooxo ka shaqeynayay arrimo la xiriira socdaalka sharci darrada ah xilli uu ka hadlayay Shirweynaha Wadatashiga qiimeynta qataraha lacag dhaqidda oo ka furmay Muqdisho.

Agaasimaha wuxuu sheegay iney sanadkii tagay diiwaan galiyeen in ku dhaw 500 kiis oo socdaal sharci darro ah, kuwaas oo la doonayay in dalka laga dhoofiyo.

Sidoo kale sanadkii ka horreeyay ee 2019 wuxuu sheegay in ku dhawaad 250 kiis oo sidaas ah ay ka hortageen.

Koofi wuxuu sidoo kale sheegay in shaqsiyaadka loo qabtay kiisaskaan loo gudbiyay hay’adaha amniga ee ku shaqada leh, waxaana la marsiiyay sharciga iyadoo lagu riday xukuno waafaqsan sharciga.

Sidoo kale agaasimaha wuxuu sheegay iney hay’ad caalami ah kala kaashadeen soo qabashada dad u badan Soomaali oo ku sugan dalalka dibadda isla markaana ka shaqeynayay socdaalka sharci darada ah.