DF Somalia oo ka hortimid is-diiwaan gelinta A/Madoobe & liiska odayaasha Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor-timid kuna gacan seertay liiska odayaasha dhaqanka Jubaland ee soo xulaya xildhibaanada maamulkaas, kaasi oo dhowaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacyada iyo liiska ay soo saartay Jubaland usuan waafaqsaneyn kan saxda ah ee dhaqanka beelaha Jublanad ee u diiwaan gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasaaradda ay kala shaqeenyeso wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland sidii loo sixi lahaa liiskan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka digtay halista ka iman karta haddii la guda galo soo xulista xildhibaanada cusub ee Jubaland, ayada oo aan la sixin liiska.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku gacan seertay is-diiwaan gelintii Axmed Madoobe ee madaxweynaha Jubaland, inkasta oo aysan si shakhsi ah u magacaabin.

Qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu yiri “Wasaaradda waxay caddeeneysaa inaysan ansixi karin diiwaan-gelinta musharaxiinta madaxweynaha Jubaland ayada oo aan la dhameystirin xulista xubnaha baarlamanka.”

Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha