Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa degdeg uga jawaabtay eedeen culus oo uga timid hey’adda xuquuqda aadanaha ee HRW, taasoo ahayd xukunnada ay rido maxkamadda ciidanka qalabka sida.
Afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo la hadlaya VOA-da ayaa sheegay in labo aan la qaadan karin caalamka iyo hey’addaha xuquuqda aadanaha in ay yiraahdaan dowladda Soomaaliya waxbo kama qabto tacadiyada dhinaca aadanaha ee ka dhaca Muqdisho iyo in ay yiraahdaan ciqaabta ma ahan tii saxda ah.
“Labo arrin la iskuma heli karo waa middee wax ha laga qabto dhibaatooyinka dhacaya marna la yiraahdo ciqaabtan ma ahan tii saxda shuruucdeena ayaa noo fasaxaysa xukunka dilka” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha.
Yariisow ayaa sheegay in dalka Soomaaliya muddo dheer ay ka jirtay dhibaato soo jireen ah taasoo ah in dadka la iska dilo laga sameesto wixii la rabo, marka si loo baabi’yo waa dowladda waxa ay go’aan ku gaartay in ay fuliso sharciga dalka u yaalla ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya in ay tahay dal Islaam isla markaana sharciga dalka uu dhigaayo qofka qof dila in la dio.
Mar la weydiiyay in goobaha lagu toogtay eedeesanayaasha in ay tahay goobo lagu cayaaro kubadda cagta isla markaana dadka la yiraahdo u soo daawasho taga.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya muddo dheer in ay burbur ku jirtay sidddaa darteed ma aaney jirin goobo lagu talagalay in dadka lagu toogto ayuu yiri.
Waxaa la weydiiyay in magaalada Muqdisho maalin kasta dad lagu toogto oo la dhaho waxa ay ahaayeen kuwa bastoolado ku hubeysan waana ay baxsadeen, siddee dadkaas loola xisaabtamaa.
Wuxuu sheegay in ay wadaan siddii loo hagaan jin lahaa hey’addaha garsoorka marka waxaas oo dhan dib u habeyn ayaa lagu sameynaa ayuu yiri.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho