Madaxweyne XASAN oo laga dalbaday in uu joojiyo xukunnada qisaasta ah

Nairobi (Caasimada Online)- Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa maanta oo Khamiis ah cambaareysay wax ay ugu yeertay xukunka dilka ah ay fuliso maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Warbixinta HRW ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqday in la joojiyo xukunadaas maadama goobaha lagu fuliyo ay yihiin goobo lagu cayaaro kubadda cagta, waxaan ay tusaale u soo qaatay dhowr cisho markii seddax askari oo ka tirsan dowladda oo la sheegay in ay horrey u dileen dad kale.

Hey’adda HRW ayaa siddoo kale sheegtay in goobta uu xukunka ka dhacay ay joogeen carruur kuwaasoo daawanayya sidda uu u dhacay xukunka.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay ka soo horjeedo xukunka lagu fuliyay seddaxda askari ee garsoorka maxkamadda ku qaadatay kuwaasoo la sheegay in ay horrey u dileen labo askari iyo qof rayid ah, waxaa kaloo hey’adda ka soo hor jeesatay goobta uu xukunka ka dhaacay oo ay ku soo xoomeeyn dad ay ku jiraan carruur.

Waa mid ka mid ah xukunnada qisaasta ee maxkamadda ciidanka ay fuliso
Waa mid ka mid ah xukunnada qisaasta ee maxkamadda ciidanka qalabka sida ay fulisay

Hey’addu waxaa kaloo ay sheegtay in dadkaas la toogtay aaney loo oggolaan qareeno difaaca eedeemaha loo heesto sidda lagu sheegay warbixinta.

Waxaa kaloo hey’adda ka digtay in goobaha lagu cayaaro kubadda cagta in loo isticmaalo in lagu toogto dadka la soo eedeeyay islamarkaan waxa ay ku baaqday in la siiyo caddaalad iyo fursad ay isku difaacaan dadka la soo eedeeyay.

Ugu dambeyn hey’addu waxa ay madaxweynaha Soomaaliya ku eedeesay in uu go’aamiyo dadka la toogto taasoo muujineysa in uu isaga uu ku lug lee yahay howlaha maxkamadaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com