Dad ku dhintay howgallada xoogan ee ka socda magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta la ogyahay labo qof oo rayid ayaa ku dhinteen howgallo saakay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen xaafado ku teedsan waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Labada qof ee dhintay ayaa waxaa haleeshay rasaas ay fureen ciidamada dowladda intii uu howgalka socday.

Waxaa la arkayay xaafadaha howgallada ay ka socdaan oo askarta gurri u galaya iyagoona soo qabqatay dad u badan dhallinyaro.

Intii howgalka uu socday waxaa istaagay isku socodadka iyo gaadidka, in kastoo goordhow ay caaddi ku soo noqdeen.

Ma jirto cid ka hadashay howgallada saakay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen xaafado ku yaalla magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com