Salaad Cali Jelle: DF dhibaato ayey ku noqon doonaan maamulada la dhisayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimuqraadiyada, Salaad Cali Jeelle ayaa ka digay maamul gobaleeduada looga dhawaaqayo dalka in ay caqabad ku noqon doonaan dowladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle oo u warramayay saxaafadda ayaa sheegay in maamuladaas la dhisaayo in aaney ku saleesneen rabitaanka dowladda ama lagu dabakhay nidaamka dastuurka ee dalka u yaalla.

“Dagaalkii ka dhacay Kismaayo oo aan ognahay dowladda in ay maaro u weysay iyo maamul gobaleedyada laga dhisaayo dalka waa arrin dhibaato ku ahaan doonta dowladda, loogana baahan yahay in ay la timaado karti, dulqaad, iyo firfircooni” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Wuxuu sheegay maamulada laga dhisaayo dalka in ay ku saleesan rabitaan shakhsiyaad, taasna ay dhabar ku tahay dowladda Soomaaliya oo looga fadhiyo in ay suurta gal ka dhigto sannadka 2016-ka doorasho in ay ka dhacaan dalka.

Wuxuu sheegay dowladda in looga baahan yahay in ay wax ka qabto maamulada sidda waalida ah loo dhisaayo ee aan dastuurka iyo rabitaanka dowladda ku saleesneen.

Ugu dambeyn siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay cid ka bixisa dhibaatada ay ku jirto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com