DF oo ka warbixisay howgakii XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda ayaa maanta oo Tallaado ah howgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Afhayeenka hey’addaha ammaanka Gaashale dhexe Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in howgallada maanta laga sameeyay Muqdisho ay qeyb ka ahaayeen kuwa lagu adkeenaayo ammaanka magaalada oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dilal qorsheesan.

Wuxuu sheegay in dad badan lagu qabqabtay howgalka intii uu socday balse tiro rasmi ah ma uusan sheegin iyo waxa ay kala yihiin dadka la qabtay.

Sidoo kale afhayeenka hey’addaha ammaanka ayaa raalligalin ka bixiyay intii howlgallada ay socdeen hakadka ku yimid waddooyin muhiim ah oo oo la xiray kuwaasoo ay adeegsan jireen dadka iyo gaadidka.

Howgalladan ayaa qeyb ka ah howlgallo ciidamad dowladda ay ka wadaan magaalada Muqdisho kaasoo lagu xaqiijinaayo ammaanka caasimada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com