Dhageyso: Shaqsi caan ka ah Somalia oo lagu afduubay magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose lagu afduubtay Tababare caan ka ahaa kubadda cagta Kismaayo, isla markaana ahaa Gool-hayihi ugu magaca dheeraa Jubbada Hoose ee Cabdull-Xakh Maxamed Axmed, kaasi oo ka mid ah qurbo-joogta dhinaca ciyaaraha ee ku noolaa dalka dibadiisa.

Macalinka ayaa la sheegay in 4-dableey oo hubeysan ay kala baxdey hotelkii uu ka deganaa Kismaayo, iyadoo saacado badan xuriyadii laga qaadey, sida ay inoo sheegeen Bahda Sport-ga ee ku dhaqan magaalada Kismaayo, gaar ahaan Gudoomiyaha Garsoorka Jubbada Hoose Maxamed Cabdulaahi SLA iyo Aaden Sanka oo kamid ahaa Gudoomiye ku-xigeenadii Kubadda Cagta ee Jubbada Hoose, laakiin xilkii laga qaadey.

Dadka aan la hadalney ayaa sheegay in arinta uu ka danbeeyey Gudoomiyaha Kubadda cagta ee Jubbada Hoose Burhaan Kukuuyo oo khilaafaad uu kala dhexeeyo qaar ka mid ah bahda Sportiga Kismaayo, inkastoo aynu isku deynay inaan la xiriirno gudoomiyaha laakiin aysan inoo suurta gelin.

Halkan ka dhageyso Maxamed Cabdullaahi SLA

GUD GARSOORKA J HOOSE IYO ADAN SANKA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com