DF Somalia oo lagu eedeeyay in ay ka gaabisay daminta dagaalka Sh/hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka koonfur galbeed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay awood u lee dahay in ay damiso dagaallada soo noqnoqday ee ka taagan gobalka Shabeellaha Hoose haddii xaqiiqda laga hadlo.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya aaney daacad ka ahayn in la soo afjaro colaadda ka taagan gobalka Shabeellaha Hoose.

Maxamed Xasan Fiqi madaxweyne ku-xigeenka maamulka Koonfur galbeed ayaa tilmaamay  haddii dowladda Soomaaliya ay dhab ka tahay daminta collaadda ka taagan gobalka Shabeellaha Hoose in ay ku xallin karto muddo 48-saac balse dhab kama ahan ayuu yiri.

“Dagaalka Shabeellaha Hoose wuxuu qaatay muddo labo sanno, dowladdana dhab kama ahan in ay soo afjarto oo haddii ay dhab ka tahay muddo 48-saac ayey ku xallin kartaa” ayuu yiri Maxamed Xasan Fiqi.

Dagaalka gobalka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu noqday mid soo noqnoqda oo waxaa ku lug yeeshay qabaa’ilo kale sidda ay lee yihiin xeel dheerayaasha siyaasadda.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay soo afjarida colaadda ka aloosan gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana hadda billowday siddii loo damin lahaa dagaallada ka qarxay beelaha Habar-gidir iyo Biyo-Maal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com