Ciidamada Barre Hiiraale oo weerar ku qaaday kuwa Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiisha Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay inay dileen askar ka tirsan maamulka KMG ee Jubba kadib markii ay xoog ku qaadeen isbaaro taalay duleedka magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Barre Aadan Shire Hiiraale C/rashiid Macalin ayaa sheegay inay qaadeen jidgooyo uu sheegay inay u taalay ciidamada maamulka Jubba halkaasina ay ku baacsadeen ciidamada maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka oo la hadlay Mid kamid ah Idaacada Muqdisho ayaa sheegay in isbaaradaasi ciidamada ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee ku sufra wadadaasi, sida uu hadalka u sheegay.

“Waxaan qaadnay isbaaro taalay duleedka Kismaayo halkaasoo ciidamada Axmed Madoobe dadka ay ku dhibaateyn jireen, waxaana jirta askar aan halkaas ku dilnay”ayuu yiri Afhayeen C/rashiid.

Dhanka kale afhayeenka ayaa ka dalbaday taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya inay jawaab cad ka bixiyay ama ay kasoo saaraan mowqifka ay ka qabaan ciidamada Kenya eek u sugan Jubbooyinka.

Wuxuu ku sheegay inay ka dalbanayaan labo arin oo kale ah inay cadeeyaan inay iyaga hoostagaan, haddii ay hoostagaana ay ka jawaabaan dhibaatooyinka ciidamada Kenya ay ka geysanayaan Jubbooyinka, ama inay ku fasaxaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay iska dhicinayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com