XOG: BFS oo qarka u saaran BUR-BUR

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya, ayaa billaabay inay isaga baxaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaga oo naftooda u baqaya.

Maamlmo ka hor, ayaa xildhibaan lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay Muqdisho, xilli xukuumadda Cabdi Weli ay ku fashilantay inay qabsato howsheedii. Sidoo kale albaabka hore ee xarunta baarlamanka, ayaa waxaa ka dhacay qarax.

Haddaba ayaga oo naftooda u baqaya, ayaa xildhibaannada waxay badankood fasaxyo weydiisteen guddoomiye Jawaari, ayada oo mid walba uu sameysanayo cudur daar gooni ah.

Qaar ayaa ku andacoonaya inay booqanayaan reerahooda, oo jooga qurbaha, qaarna waxa ay sheeganayaan xannuunyo been ah, si ay dibedda isugu soo daweeyaan, halka qaarna ay cudur daar ka dhiganayaan inay soo cimreysanayaan.

Xafiiska Jawaari, ayaa malamihii ugu dambeeyey aad mashquul u ahaa, ayada oo la sheegay in guddoomiyaha uu qaati ka taagan yahay codsiyo iska soo daba dhacaya.

Haddii ay sii socdaan ka bixitaanka xildhibaannada BF ee Muqdisho, waxa ay keeni doontaa in baarlamanku kulmi waayo, sidaana ku bur buro.

Tan iyo markii ra’iisul wasaare loo magacaabay Cabdi Weli, waxaa dalka Soomaaliya uu galay xaalad halis ah. Ammaankii Muqdisho, ayaa faraaha ka baxay, waxaana gobollada qaar ka curtay dagaal beeleedyo uu ra’iisul wasaare naftiisa ku lug lee yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com