Xog: DFS oo lacag ka dooneysa maamul goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro dowlaha wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada dalka iney dhaqaalo la yimaadaan si ay u qaadaan gargaar Turkiga dowlada ugu deeqay.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in maamul goboleedyada, Puntland, Galmudug, K/Galbeed iyo gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir laga doonayo iney la yimaadaan dhaqaalo lagu qaado gargaarkaasi.

“Dhibka ugu badan wuxuu naga heystaa dhanka dhaqaalaha, waxaan usoo jeedinayeynaa dowlad goboleedyada iyo gobolada iney raashiinkooda u qaadan raashiinka dadka shacabka ee ay masuulka ka yihiin oo dhaqaalo ay la baxaan”ayuu yiri Xidig.

Wuxuu Mahad celin u jeediyay maamulka Jubbaland oo uu sheegay in raashiinka loogu talo galay iney ka qaadeen magaalada Muqdisho lana gaarsiiyay magaalada Kismaayo.

“waxaan u mahadcelinayaa maamul goboleedka Jubbaland oo madaxweynahooda Axmed Madoobe uu dadaal badan bixiyay raashiinkii ku aadayna ka qaaday Muqdisho oo hadda Kismaayo uu ka dagayo”ayuu hadalkisa kusii daray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com