DF Soomaaliya oo ka hadashay kulanka Xasan iyo Netanyahu.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa 21-kii June qortay xog gaar ah oo ku saabsaneyd in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu socdaal qarsoodi ah ku tagay magaalada Tel Aviv ee Israel, lana kulmay ra’iisul wasaare Benjamin Natenyahu.

Wargeyska kasoo baxa Israel oo lagu magacaabo Times of Israel ayaa shantii bishan July xaqiijiyyey xogtii Caasimada Online, shaaciyeyna inuu dhacay kulanka Xasan Sheekh iyo Natenyahu.

Haddaba wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa soo saartay warsaaxafadeed ay kaga jawaabeyso warbixinta Caasimada Online ee kulanka Xasan Sheekh iyo Natenyahu.

Hoos ka aqriso

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah).

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka shaqeyneysaa si aan habacsanaan ku jirin abuuridda, cusbooneysiinta iyo xoojinta xiriirka iyo dana wadaaga, taasi oo u adeegeysa danaha qarankeena ee ka qeyb ah wadamada deriska iyo kuwa isbaheysiga nala ah ee dunida daafaheeda .

Soomaaliya waxa ay si guul leh uga soo banbaxday waqti tegay oo adag, ayna u gudubtay xilli cusub oo deganaansho iyo horumar ah. xagashu waxa isku badashay oo ay u jiheysatay dhanka mustaqbal horumarineed oo aad u wacan. Sidaa darteed, waxaa muhiimad u leh Soomaaliya inay la ambaqaado howsha si wax ku ool leh dhammaan bahwadaagta si ay ku jirto awoodaha oo dhan ee la xiriira dhammaan arrimaha xiisa wadaagga leh oo ay ka mid tahay ka hortagidda argagaxisada caalamiga, dhiirigelinta horumarka dhaqaalle iyo fududeynta ganacsiga.

Xilli Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qiimeyneyso dhammaan bahda ay dana wadaaga yihiin, ayna ku dadaaleyso u saldhigidda xiriiro macna leh wadamada isbaheysiga ah iyo kuwa cusub, iyadoo ujeedka yahay hubinta horumarka iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya , Wasaaraddu waxa ay xaqiijineysaa in kulanka la sheegay ee dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel aanu qabsoomin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com