Xog: Shariif Xasan iyo Xasan oo cayaar siyasaadeed dheelaya..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in xiisad isfahanwaa hoose ay ka dhex taagan tahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynaha koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in madaxweynaha koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh uu ka biyo diidan yahay gudiga doorashada ee dib uu kasoo magacaabay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, maadaama sida uu qabo aysan ku jirin dad uu ku qanacsan yahay.

Iyadoo horey xiriirka labada masuul uusan aheyn mid wanaagsan ayaa haddana waxaa xiriirka uu sii xumaday markii madaxweynaha uu ku dhawaaqay gudiga doorashada ee sanadkaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu dhaiilsan yahay xubnaha matalaya deegaanada uu kasoo jeedo, oo sida la sheegayo ay xiriir saaxiibtinimo uu kala dhaxeyo madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Mr Jawaari ayaa madaxweynaha ku qalqaaliyay xubnaha gudiga doorashada in lagu daro shaqsiyaad uu isaga usoo gudbiyay, waana midda keentay in Shariif Xasan uu ka caroodaa.

Arimaha kale ee la isku hayo ayaa ah shaqsiga noqonaya hogaanka golaha sare ee baarlamaanka Soomaaliya, halkaasi oo ay taalo ciyaarta ugu adag ee u dhaxeyso siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa doonaya in xilka hogaanka aqalka sare uu qabtaa shaqsi kasoo jeeda Puntland si uu isaga ugu yaraan madaxweyne ama ra’iisul wasaare u helaa, sida xogaha aan ku heleyno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com