Faisal Cali Warabe oo arrin aan laga fileyn oo Somalia ah qiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhowr jeer Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland Faisal Cali Waraabe sheegay in maamulka Somaliland ka baxday Somalia inteeda kale ayaa waxaa hadana uu sheegay in Somalia ay tahay mid siman oo aan kala tagin.

Faisal Cali waxa uu sheegay in Somalia oo idil ay tahay dal mid ah oo aan marnaba kala tagi doonin waxa uuna meesha ka saaray in Somalia ay kala go go’day isaga oo carab dhabay in Somalia ay tahay Shan.

Faisal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somalia uu sii dhimanaayo magaceeda loona baahan yahay in dib u nooleyn loo sameeyo si meesha looga saaro raja beelka iminka taagan.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayuu Faisal Cali yiri ”Dalka Somalia waa mid qura waxaa nalaga doonayaa inaan dib usoo nooleyno magaca Somalia oo aad moodo inuu sii burburaayo”

”Soomaalida waxaan leeyahay Shanta Soomaaliyeedba waa isu mid, isu cad baynu nahay, wixii Soomaali ka xuna, way naga xun yihiin”
”Ma jiraan wax la yiraahdo Somali kala tagtagtay ee waxaa jira Shan Somali”

”Somaliland waxay dheeli doontaa kaalinteeda insha allah hadii aynu nahay reer Somaliland anagu nabada iyo horumarka ayaan u horseedi doonaa”

Dhanka kale, waxa uu ka digay in laga shaqeeyo kala go go’a Somaliweyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com