Israel oo kusoo biirtay dhsimaha darbiga xuduudda Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Yuhuudda ayaa ku soo biirtay dhismaha Derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xuduud beenaadka ay la wadaagto Soomaaliya, sida ay ku heshiiyeen labada dal.

Arrintan ayaa ka mid ahayd heshiis ay labada dowladood ee Kenya iyo Israa’iil kala saxiixeen toddobaadkan markii uu socdaal ku tegay Kenya Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda Benyamin Netanyahu.

Israa’iil ayaa ogolaatay inay Kenya ka caawiso inay la wadaagto xogaha sirdoonka. Waxay kaloo dowladda Yuhuudda ka caawin doontaa Kenya dhismaha Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka Soomaaliya si loo joojiyo inay Kenya u soo gudbaan dagaalyahanada Kenya ka geysta weerarada argagixiso.

Israa’iil oo caan ku ah dhismaha Derbiyada ayaa ilaa iminka ka dhistay dhulka ay boobka ku heysto dhowr Derbi oo uu ka mid yahay Derbiga ay ka dhistay xuduudka ay la leedahay Urdun, wuxuuna gaarayaa 30 KM. Waxaa kaloo socda dhismaha Derbi u dhaxeeya Israa’iil iyo Masar oo gaaraya 240 KM.

Waxaa kaloo ay Derbi ka dhistay Buuraha Golan Heights oo ay ka heysto dalka Suuriya. Waxaa kaloo la ogyahay derbiga caanka ah ee ay ka dhistay Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin ay xoogga ku heysato, waxaana muuqata in Kenya ugu danbeyn ay heshay dal caan ku ah Derbi ka dhiska xuduudaha.

Labada dal ee Kenya iyo Israa’iil waxay arrinta dhismaha Derbiga ee xuduudka Soomaaliya iyo wadaagidda xogaha sirdoonka u xil saareen labada wasiir ee arrimaha gudaha dalalkooda Joseph Nkaissery (Kenya) iyo Gilad Erdan (Isra’iil).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com