Xog: Imisa ayaa la kala iibsadaa xubnaha lagala baxo Soomaalida?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali soo baxaaya xogo dheeraad ah oo ku saabsan habka ay Mukhalisiinta Afrikaanka ah ee dhoofiya Muhaajiriinta ula dhaqmaan kuwa doonaaya inay ka socdaalan dalka Libya si ay u gaaran dalalka Yurubta.

War qoraal ah oo kusoo baxay Wargeyska The Times ayaa lagu sheegay in iminka Dowlada Talyaaniga ay heshay dhammaan magacyada Mukhalisiinta sida xun kula dhaqma Muhaajiriinta.

Nuredin Wehabrebi Atta oo ah Mukhalas u dhashay dalka Eritrea oo u waramaayay Wargeyska ayaa sheegay in Muhaajiriinta loo kala saari jiray laba garab, waxa uuna sheegay in garabka iska bixiya dhaqaalaha safarka ay ula dhaqmi jireen si caadi ah, halka garabka labaad oo ah kuwa aan dhaqaalaha bixin ay ka iibin jireen shabakada dadka kala baxda xubnaha ugu muhiimsan ee jirka bani’aadamka.

Nuredin Wehabrebi oo hadda u xiran dowlada Talyaaniga ayaa sheegay in dhaqaalaha ugu badan ay ka heli jireen dadka la kala iibsado ee xubnaha lagala baxo, wuxuuna qiray in si sahlan aan lagu gaarin dalalka Yurub.

Nuredin Wehabrebi, waxa uu sidoo kale, Sirdoonka Talyaaniga uu siiyay Xogo sababtay in ciidamada Talyaaniga ay xiraan dhowr Mukhalas kuwaasi oo dilay kumanaan Muhaajiriin Afrikaan ah.

Nuredin waxa uu yiri “Waxaan u sheegay in dadka Tahriibayaasha ee aan Kharajka bixinin loo gacan geliyo dad Masaarida, kuwaasi oo Tahriibayaasha dila, si ay ugala baxaan xubnaha Jirkooda”

Maxbuuskaasi waxa uu sidoo kale sheegay in Kooxaha ka ganacsada xubnaha jirka ee Tahriibayaasha la dilay la baxaan Wadnaha, Kelyaha iyo Uur-jiifta. Kuwaasi oo ay ku sii iibiyaan gudaha dalka Masar, oo la kala siisto lacag dhan $15,000 oo Dollarka Maraykanka.

Dhanka kale, Mukhalisiinta wali la baadi-goobaayo iyo kuwa u xiran sirdoonka Talyaaniga ayaa lagu hayaa kiisas danbi ah oo la xiriira iibinta Muhaajiriinta iyo xasuuqooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com