DF oo lagu eedeeyay inay durbaanka colaada u tumeyso dadka reer Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu dagaalo Culus ka jiro deegaano hoostaga gobolka Hiiraan, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Gudoomiyaha ku-xigeenka arimaha Bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sheikh Xuseen Cismaan.

Sheikh Xuseen Cismaan waxa uu sheegay in Dagaalkaasi ay durbaanka Colaada u garaaceyso DF Somalia, isagoona Tilmaamay in Madaxda Dowladu ay cod dheer gaarsiiyen balse aysan ka heyn wax jawaab ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay kaalinta Dowlada dhexe ee dagaaladaasi ay meesha ka maqan tahay, isagoona carabka ku adkeeyay in arintaasi ay sababtay in dagaal beeleedyada ay soo noq noqdeen.

Sidoo kale, Sheikh Xuseen Cismaan ayaa hoosta ka xariiqay in gogol dhowr ah loo fidiyay si dagaalada loo qaboojiyo inaan laga dhex arkin mas’uuliyiinta Dowlada,wuxuuna ugu danbeyntii baaq u jeediyay aqoonyahanada, culumaa’udiinka iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Hiiraan inay u istaagaan sidii loo kala dhex gali lahaa dadka isku leynaya deegaanada uu ka mid yahay Deefow.

Dagaal beeleedyada gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyay inay sababeen qasaaro isugu jira dhimasho,dhaawac iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanada dagaalada ay ka socdaan.

Waxaana tan iyo bilowgii dagaaladaasi jiray dadaalo iyo baaqyo ku wajahan in la joojiyo dagaalada laakiin ma aysan suurta galin in lagu guuleysto.

Dhanka kale, Sheikh Xuseen Cismaan waxa uu DF Somalia uga digay inay kusii fogaato garaacista durbaanka Colaadaha, taasi oo uu ku sheegay mid sii laba jibaareysa Dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com