DF Somalia oo madaxda GAL-MUDUG uga yeertay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa bilowday dadaalo lagu dhex dhexaadinaayo Madaxda maamulka Galmudug ee isku khilaafsan hanaanka kuraas  qeybsiga iyo hoggaanka.

Xukuumada ayaa la xaqiijiyay inay xiriiro kala duwan la sameysay Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo saldhigtay magalada dhuusamareeb iyo Ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha baarlamaanka oo iyaguna ku sugan magaalada Cadaado.

Mas’uuliyiinta uu khilaafka u dhexeeyo ayaa waxaa iminka magaalada Muqdisho ugu yeeray Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia oo labada garab u kala diray warqado.

Wasiirka ayaa warqadihiisa labada dhinac ku  codsaday in ay Muqdisho isugu yimaadan shir lagu xalinaayo khilaafka.

Mas’uuliyiinta uu Khilaafka u dhexeeyo ayaa la sheegay inay aqbaleen codsiga Wasiirka Arrimaha gudaha, waxaana lagu wadaa inay soo gaaran magaalada Muqdisho.

Shirka lagu dhex dhexaadinaayo ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, iyadoo Mdaxweyne Farmaajo uu labada garab la qaadan doono kulamo caadi ah.

Geesta kale, waxan la ogeyn natiijada kasoo bixi doonta shirka la doonayo in lagu heshiisiiyo Madaxda labada garab ee kawada tirsan maamulka Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com