Xog: Goormee ayey Kenya jawaabta dacwada badda u gudbineysaa ICJ?

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa daboolka ka qaaday inay Maxkamadda Caalamiga ICJ u gudbineyso gal dacwadeed ku saleysan cadaymaha lahaanshaha xuduud badeedka kala dhexeeya Somalia.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Maxkamada ICJ ay sugeyso Jawaabta dacwada, hayeeshee ay ku gudbin doonto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Githu Muigai, oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Kenya, ayaa sheegay in qoraal cusub u gudbin doonaan Maxkamadda ICJ bisha December 18-da ee sannadkan 2018-ka.

Waxa uu Mr Githu Muigai sheegay in Kenya aysan ka dib dhici doonin mudada loo qabtay, waxa uuna cadeeyay inay kaamileen dhammaan qoraalkooda khuseeya kiiska.

Githu Muigai,waxa uu sheegay in Kenya ay cariirsan doonto lahaanshiyaha xadkeeda waxa uuna carab dhabay inay doonayaan in dib loo calaamadeeyo Xuduud-baddeedka, iyadoo la waafijinayo Xuduudka dhulka ee ay Somalia la leeyihiin.

Sidoo kale, Dowlada Somalia waxay horey u sheegtay inay sharci darro tahay Dhaqdhaqaaqa Kenya ee ay ku sahminayso Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.

Dhinaca kale, murankaan ayaa soo taagnaa tan iyo sannadkii 1964-kii, hal sanno kadib, markii ay Kenya xorriyadda heshay bishii December ee sannadkii 1963-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com