DF Somalia oo madaxweyne Xaaf siisay fursad muhiim ah iyo tallaabo uu qaadayo

Muqdisho (Caasimadda Online ) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhowaan Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu ku dhawaaqi doono guddiga xalinta khilaafaadka ee maamulkaasi.

Guddigan ayaa waxa uu ka koobnaan doonaa illaa 12 qof, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu soo warramayaa inuu arrintan la tashiyo kala sameeyey madaxda dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarah, iyagoona u ogolaaday inuu ku dhaqaaqo guddigaasi oo muhiim ah dhismaha Galmudug oo mid ah.

Sidoo kale guddiga ayaa waxaa looga tala galay inuu dhameeyo tabashooyinka ay qabaan beelaha Soomaaliyeed ee daga gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhowaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in hanaanka geedi socodka Galmudug uu la wareegay Madaxweyne Xaaf, kaas oo ay in muddo ah is hayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Galmudug ayaa waxaa hareeyey khilaafaad aan dhammaad laheyn, balse dowladda dhexe ayaa hadda wada dadaallo xoogan oo lagu dhisayo maamul loo dhan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com