Xilliga ay dhaceyso xafladda caleema saarka AXMED MADOOBE oo la ogaaday

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in todobaadkan gudihiisa la qaban doono munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maalinta Arbacada ah oo ku beegsan sagaalka bisha October la qaban doono xafladdaasi.

Sidoo kale munaasabadda oo ah mid ballaaran ayaa la sheegay inay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin sare sare oo ay ku jiraan madax hore xilal uga soo qabtay dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale xafaladda caleema saarka, Axmed Madoobe ay ka qeyb gali doonaan wafdi ka socda dhinaca maamulka Somaliland.

Ammaanka Kismaayo ayaa loo adkeeyey, iyadoo saaka ciidamada Booliska Jubbaland ay saaka howlgallo ballaaran ka wadaan gudaha magaaladaasi.

26-kii bishii hore ayaa lagu waday in la qabto munaasabadda caleema saarka, balse waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii dowladda federaalka ay xayiraad saartay Kismaayo.

Lama oga hadda sida ay wax noqon doonaan iyo tallaabada xigta oo ay qaadi doonto dowladda dhexe oo horay u qaadacday doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com