Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iran in ay la soo xiriiraan safaaradda haddii ay doonayaan in ay ka baxaan dalkaas, xilli ay sii kordhayaan halista colaadda u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil.
Qoraal kasoo baxay safaaradda ayaa lagu yiri: “Safaarada JFS ee Wadanka Türkiye waxay la socodsiinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Iran ee doonaaya inay iskaga soo baxaan wadankaas dagaalada halkaas ka socda darteed inay lasoo xiriiraan safaaradda si looga kaalmeeyo sidii ay si nabad ah wadankii ugu noqon lahaayeen.”
Safaaradda ayaa baahisay telefoon lambar toos loogala soo xiriirayo. Baaqan ayaa imanaya iyadoo dagaal culus uu ka socdo gudaha Iran, halkaas oo weerarro duqeyn ah oo ka imanaya dhanka Israa’iil lagu bartilmaameedsanayo xarumo rayid, warshado, isbitaallo iyo goobo dowladeed.
Xiisadda kasii daraysa ayaa walaac ku abuurtay muwaadiniinta ajaanibta ah ee ku sugan Iran, kuwaas oo ay kamid yihiin Soomaali tiro yar oo halkaasi ku sugan.
Wararka laga helayo gudaha Iran ayaa sheegaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad cabsi iyo hubanti la’aan ah. Qaar badan oo kamid ah Soomaalida halkaas ku nool waxay yihiin arday wax ka barta jaamacadaha dalkaas, halka kuwa kalena ay ganacsiyo ku leeyihiin magaalooyinka waaweyn.
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Cabdi, kuna sugan Tehran ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladdu ay tahay mid aad u adag oo aan la saadaalin karin. Wuxuu sheegay in mid kamid ah ardayda Soomaaliyeed uu ku dhaawacmay firidh ka dhacay meel u dhow Jaamacadda Tehran.
Soomaalida ku sugan Iran ayaa bilaabay wada-tashi ay uga hadlayaan in ay sii joogaan dalkaas ama in ay ka baxaan. Waxaa la sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Tehran ay isku raaceen in ay yeeshaan kulan wadajir ah oo ay uga arrinsanayaan xaaladda degdegga ah ee ay wajahayaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli ma aysan shaacin tallaabooyin gaar ah oo la xiriira samatabbixinta muwaadiniintaas, marka laga reebo baaqa lagu dhiirrigelinayo in ay la soo xiriiraan safaaradda.
Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay badbaadada muwaadiniinteeda meelaha uu dagaalku ka socdo, xilli dalal badan oo caalami ah ay bilaabeen in ay dadkooda kala baxaan Iran.