DF SOMALIA oo shaacisay arrin cusub oo ku saabsan lacagta shillin Soomaaliga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la bedeli doono lacagta Sh/Soomaaliga ee iminka laga isticmaalo Somalia.

Dowladu waxa ay sheegtay in lacagtaasi ay sii dhamaaneyso isla markaana aysan sii shaqeyn Karin muddo badan.

Waxa ay dowladu tilmaantay inay muhiimadu siin doonto lacago cusub oo dhawaan ka shaqeysa Somalia si dalka uu u noqdo mid leh lacago lagu aqoonsan karo.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia, ayaa sheegay in lacagta hadda dalka laga isticmaalo ay tahay mid gacanta dadka ku duugowday,isla markaana u baahan in la bedelo.

Wasiir Daahir waxa uu sheegay in dhammaan lacagta dadka isticmaalaan hal hal loo bedeli doono,dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay isla garteen in aan la soo daabicin lacago been abuur ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa dhawaan soo bandhigay naqshada lacagta Shillinka Soomaaliga ah ee dowladda Soomaaliya soo daabici doonto wallow uu sheegay in waqti dheer ay qaadan doonto.

Dhinaca kale, waxa uu cadeeyay in lacagta la shaqo galin doono aan lagu sameyn Karin gacan kale, taasi oo uu sheegay inay ka taxadarta dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com