Waare oo si layaab leh uga hadlay hadalka Farmajo iyo carada dowlada Jabuuti

Jowhar (Caasimada Online ) – Hoggaamiyaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay carada ay dowlada Jabuuti ka qaaday haddal uu dhawaan Madaxweynaha Somalia ka jeediyay magaalada Asmara ee dalka Eriterea.

Hoggaamiye Waare oo hadda ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dowladda Jabuuti iyo Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin walaalo waligoodna ay ahaan doonaan.

Waxa uu sheegay Waare in Madaxweyne Farmaajo uu ku degdegay dalabka cunaqabateynta looga qaadayo dalka Eriterea, balse waxa uu sheegay in Somalia ay xor u tahay inay xiriir la sameyso cida ay doonto.

Nuqul kamid ah haddalka Waare ayaa ahaa “ Waxaan ognahay wixii aad noo gasheen , garabkiina ayaa nahay walaalaha reer Jabuuti, Ilaa adduunyada laga duubo ayaan walaal nahay oo daris nahay”.

Hoggaamiye Waare oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in saameyn weyn ay ku yeelaneyso tabashada ay qabto dowladda Jabuuti oo Ciidamo farabadan ay ka joogan deegaanada Maamulkiisa,iyaga oo ku howlgalla magaca AMISOM.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay Isbadelka ka socda Geeska Afrika in uu yahay mid wanaagsan oo u baahan in la xoojiyo, laakiin marwaliba ay jirikaraan Caqabado.

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ku yimid gaabis ka dib Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku dhawaaqay in cunaqabateynta hubka laga qaado dowladda Erateriya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Jabuuti ayaa aad uga carootay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee uu QM uga codsaday in cunaqabateynta looga qaado dowladda Eriterea,iyaga oo jawaab ka bixiyey hadalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com