DF SOMALIA oo shaacisay inay ka guureyso gargaarka caalamiga, una guureyso…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Beene-beene ayaa shaaciyay in dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza ay ka go’an tahay in laga gudbo gargaarka oo loo guuro dhanka horumarinta.

“Markasta laguma jiri karo gargaar, oo waxaa lagu xalin karaa xaalada deg deg ah oo markaas jirta. Marka waxaa dowladda ka go’an in aan u guurno dhanka horumarinta, oo aan ka shaqeyno wixii nolosha dadka iyo horumarka ka shaqeynaya,” ayuu yiri Wasiir Beene-Beene.

Wasiirka oo hadalkaan ka sheegay Madasha Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ka qabsoomtay Muqdisho, ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dowladda ay qorsheynayso inay si toos ah u fuliso mashaariicda, si isla-xisaabtanka la xiriira arrintaan uu hirgalo.

“Ma dhahayno hal mar ha laga soo wada guuro laakiin waxaa rabnaa inta aan ku jirno sanadkaan, in qeyb kamid ah boqolkiiba ay fuliso dowladda, oo hadhoo loo soo guuro 100%,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya

Sidoo kale waxa uu sheegay in la gaaray xilligii si tartiib ah loogu soo guuri lahaa nidaamka dowliga ah, si looga guuro gargaarka oo loogu guuro dhanka horumarinta, “Dalkaan si meel fog u gaadho waxaa naga go’an in loo guuro dhanka horumarinta, oo kor loo qaado isticmaalka nidaamka dowliga ah.”

Madashan Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo  ay soo qaban-qaabisay wasaraadda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa ah hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Si kastaba. Madashan oo ay hor-kacayso dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah bulshada caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.